Dowladda Qadar oo ku Dhawaaqday xiliga ay Dhaceyso Doorashada golaha sharci –dejinta ee Dalkaasi.

0
159

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Doorashadani oo dhawr jeer oo hore dib loo dhigay ayaa haatan waxaa la shaaciyay goorta ay dhaceyso codeynta golaha shuurada ee dalkaasi ku yaal khaliijka.

Sida ku cad wareegto rasmi ah oo ka soo baxday Amiirka haya xukunka dalkaasi, codeynta ayaa dhici doonto 2-da Oktoobar ee saandkan.

Go’aanka ugu dambeeya ee arrimaha dalkaasi waxaa wali leh amiirka dalka, haseyeeshee golaha shuurada ama sharci-dejinta ayaa la filayaa in uu ansixiyo miisaaniyadda dawladda isla markaana uu yeesho awoodo kale oo dheeraad ah.

Xisbiyada siyaasadda ayaa weli mamnuuc ka ah dalka Qadar, waxaana durbaba ay dood ka dhalatay cidda xaqa u leh in ay codeyso.

Shakhsiyaadka doonaya in ay tartanka galaan ayaa waxa ay wajihi doonaan baaritaan ay ku sameynayaan saraakiisha dalkaasi.

Kuwa rajaynaya inay istaagaan waxay wajihi doonaan baaritaan rasmi ah.

Dalka Kuwait ayaa ah boqortooyada kaliya ee ku taal Khaliijka oo ilaa iyo haatan awood buuxda siisa baarlamaan la soo doortay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here