Barcelona oo dhibic rafaad ah ka heshay Athletico

0
155

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – 11:00 PM ee geeska afrika & waqtiga magaalada makka al mukarama waxaa labaasay mid kamid ah kulamada ugu adag horyaalka wadanka Spain Barcelona yaa marti unoqotay kooxda Athletico Belbao bartamaha garoonka Sanmames ee Gobalka Bask.

Wiilasha Koeman ayaa sanad adag wajahaya kadib markii kooxda uu katagay mucjisada dunida kubada cagta Leo Messi oo kooxda dhabarkiisa ku qaadayey 14 ilaa 15 sano ee lasoo dhaafay , Wiilasha Catalonianka oo ay utaalay shaqo ismuujin & naf hurid ayaa kusoo galay iyagoo rajeynaya iney guul kaga baxaan garoonka sanadihii ugu dambeeyey kooxaha waaweyn qabuuraha unoqday.

Kulanka ayaa ahaa mid aad uxiiso badnaa isla markaana waxaa xamaasada kusii kordhiyey iney fadhiyeen kumanaan taageerayaal ah oo loo ogolaaday daawashada kulamada la liga kadib ogolaanshihii wasaarada caafimaadka gobolka & tan heer dhexe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here