Qofka Furaha U Noqon Kara Ku Biirista Kylian Mbappe Ee Real Madrid oo la Ogaaday.

0
173

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wargeyska Marca ayaa sheegay in Tamim bin Hamad Al Thani, Amiirka Dowladda Qatar ahna milkiilaha Paris Saint-Germain, uu fure u noqon doono ku biirista xiddiga Kylian Mbappe ee Real Madrid inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Xiddiga reer France, Kylian Mbappe, ayaa diidan inuu kordhiyo heshiiska uu kula jiro kooxda ka dhisan Paris isaga oo doonaya in uu ku biiro kooxda Real Madrid suuqa xagaagan.

Heshiiska Mbappe ee kooxda PSG ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu ilaa haatan diiday 3 dalab oo ay kooxda reer France ugu soo bandhigtay heshiis cusub.

Milkiilaha Paris Saint-Germain Ayaa doonaya in uu wax walba u samaysto in uu sii haysto Mbappe gaar ahaan in uu koobka adduunku soo dhawyahay Laguna qaban doono dalka Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here