Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho gaaray

0
147

JOWHAR (Radio isnaay) Madaxweynaha Dowlad-gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho si uga qaybgalo Shirka Golaha Wadashiga Qaranka oo uu isugu yeeray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wafdiga uu hoggaaminayay Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Xildhibaanno, Senataro iyo mas’uuliyiin.
Maalinta berri ayaa lagu wadaa inuu shir ugaga furmo madaxda Madasha Qaran teendhada Afisiyone iyado shirkaasina loogaga hadli doono diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashada.

Madaxweynayaasha Galmudug, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, iyada oo uusan weli soo gaarin Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here