Arsenal oo Sheffield United Kala Heshiisay Saxiixa Goolhaye Aaron Ramsdale

0
185

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Arsenal aya ugu dambayn ku dhaw in ay dhamaystirto saxiixa Goolhayaha kooxda Sheffield United ee Aaron Ramsdale kadib markii ay labada kooxood ka heshiiyeen saxiixa xiddiga.

Goolhayaha Sheffield United ayaa laga reebay kulanka ay kooxdiisu la ciyaarayso kooxda West Brom kadib markii ay labada kooxood horumar ka sameeyeen wadahadalada.

Ramsdale oo 23 jir ah ayaa ah bartilmaameedka 1-aad ee Mikel Arteta si uu ugu xoojo goolka lana tartansiiyo xiddiga Brend Leno.

Kooxda Arsenal ayaa markii hore isaga baxday wadahadaladii ay kula jirtay kooxda Sheffield United kadib markii ay kooxdu dalatay lacag dhan 40 milyan oo euro.

Laakiin labada kooxood ayaa haatan ku dhaw in ay ka heshiiyaan qiimo lacageed oo dhan 25 milyan oo euro iyo waliba 6 milyan oo Guno ah.

Dhanka kale Goolaye Aaron Ramsdale ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Arsenal isaga oo qalinka ku duugi doona heshiis wakhti fog ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here