Soomaaliya & Sweden oo ka wada hadlay xaqiijinta qoondada Haweenka

0
173

JOWHAR (Radio isnaay) Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay danjiraha dowladda Sweden ee Soomaaliya, Staffan Tillander.

kulan gaar ah oo ay yeesheen ayay kaga wada hadlay habsami u socodka doorashooyinka gaar ahaan xaqiijinta qoonddada dumarka ee 30%.

Danjire Staffan Tillander, oo wakhtigiisa dhammaaday ayaa wasiir Xaniifa ugu mahadcelisay wada shaqeyntiisa muddadii uu ahaa danjiraha Sweden ee Soomaaliya, waxayna u rajaysay mustaqbal wanaagsan ka dib marka uu ku laabto dalkiisa.

Dowladda Sweden ayaa kamid ah dalalka taageera dhismaha dowladnimada Soomaaliya, si gaar ah wasaaradda haweenka iyo safaaradda Sweden waxaa ka dhexeysa wada shaqeyn fiican oo la xiriirta arrimaha haweenka iyo xuquuqda aadanaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here