Fahfaahino dheraad ah oo laga helaayo Dad Ku Geeriyooday Dhulgariir Ka Dhacay Dalka Haiti.

0
144

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dhulgariir culus ayaa ka dhacay dalka Haiti waxaana  lagu soo warramayaa in uu sababay geerida ugu yaraan 304 ruux.

Dhulgariirkan oo awooddiisu dhannayd 7.2 kaas oo burburiyay guryo iyo deegaanno ballaadhan.

Xukuumadda Haiti ayaa ku dhawaaqday in dalka muddo bil ah uu galayo xaalad degdeg ah.

Haiti ayaan weli ka soo kabanin dhulgariirkii ku dhuftay sanadkii 2010-kii.

Dhulgariirka ayaa si weyn looga dareemay caasimadda dalkaas ee Port au Prince.

Reuters ayaa sheegtay in khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh uu sababay dhulgariirka.

Dowladda Haiti ayaa ku baaqday in dadkeeda ay gacmaha is-qabsadaan kana wada shaqeeyaan sidii ay uga samata bixi lahaayeen mashaqada taagan.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Baiden ayaa aqbalay codsi gargaar oo uga yimid Haiti.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here