Arsenal oo Calaamadsatay Tababaraha Ay Ku Badali Doonto Mikel Arteta.

0
150

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Arsenal ayaa la filayaa inay ka fekerto inay Mikel Arteta ku beddesho tababarihii hore ee Chelsea iyo Inter Milan Antonio Conte.

Arteta ayaa Arsenal ku hogaamiyay koobkii 14-aad ee tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay laakiin Gunners ayaa kaalinta 8-aad ku dhamaystay xilli ciyaareedkii hore.

Xilli ciyaareedkan ayaa sidoo kale Arsenal si xun ugu bilowday kadib markii ay guuldaro 2/0 ah kala kulantay kooxda Brentford taas oo shaki ku tuurtay mustaqbalka tababaraha ee Arsenal

Sida laga soo xigtay Tuttosport, Arsenal ayaa Doonaysa in ay u dhaqaaqdo tababare Conte hadii Ay shaqada ka caydhiyaan Mikel Arteta iyada oo sidoo kale conte Emirates keeni doono xiddiga Lautaro Martinez.

Conte ayaa chelsea kula guulaystay Premier League xilli ciyaareedkii 2016/2017 halka uu sidoo kale xilli ciyaareedkii hore Inter Milan kula guulaystay Horyaalka Serie A-da.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here