Wabiga Shabeelle Oo Fatahaad Cusub Ka Sameeyay Deegaanno Hoosyimaada Jowhar.

0
203

JOWHAR(Radio isnaay) Wabiga Shabeelle ayaa Fatahaado Cusub ku sameeyey Tuulda Boodaale oo ka mid ah Tuulooyinka hoos yimaada Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Fatahaadda Wabiga ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo Mid hantiyadeed waxaana la xaqiijiyay in laba Carruur ah oo Biyaha ay qaadeen mid kamid ah Meydkiisa Lawaayay Baadi goobna wali loogu jiro Helidda Meydkiisa.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cumar Ceymooy oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Xaalada Wabiga Xiligan ay tahay Mid cabsi weyn ay ka qabaan Maadama Biyihii ugu badnaa uu wado Wabigu suuro-galna ay tahay in Deegaanno hor leh looga barakaco.

Sidoo kale Wasiir Maxamed Cumar Ceymooy oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu Bulshada ugu baaqay in laga qeyb qaato u Gurmashada Dadka ku barakacay Fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka sameey Tuulada Boodaala iyo Deegaanno kale oo hoosyimaada Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle.

Sikastaba ha,ahaatee Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Deegaanno Hoostaga Degmooyinka Balcad, Jowhar iyo Mahadaay oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay Tilmaamayqan in Deegaannadaasi ay ka taagan tahay Casbi xoogan oo ay qabaan Dadka Deegaanka oo ku aadan in Wabiga uu mar kale sameeyo Fatahaad kale oo khasaaro geysata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here