Liiska Xiddigaha Real Madrid Uga Qayb Galaya Kulankooda Furitaanka La Liga & Lixda Xiddig Ee Ka Maqan

0
192

JOWHAR (Radio isnaay) Kooxda Real Madrid iyo tababaraheeda Carlo Ancelotti ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha uga qayb galaya kulankooda furitaanka horyaalka La Liga ee ay booqanayaan kooxda Alaves.

Ugu horreynba, xulashadan ayay seegeen daafaca midig ee Dani Carvajal oo sabab dhaawac ku maqan iyo khadka dhexe ee Martin Odegaard kaas oo aan la diiwaan-gelinin.

Intii uu socday shirkiisii jaraa’id ee Jimcihii shalay, tababare Ancelotti ayaa xaqiijiyay in sidoo kale uu kabtanka kooxda ee Marcelo uu dhaawac dartii u maqnaan doono halka sababta Odegaard aan wali loo diiwaan-gelin uu ku sheegay tirada xiddigaha khadka dhexe ee kooxda jooga.

Saddexda xiddig ee kale oo muhiimka u noqon lahaa Los Blancos ciyaarta caawa balse seegay liiskan ayaa ah Ferland Mendy, Toni Kroos iyo Dani Ceballos oo iyaguna dhaawacyo kala duwan kasoo kabanaya.

Ugu dambayn, garabka weerar ee kooxda ee Marco Asensio ayaa liistada kusoo baxay walow uu dhawaan uun ciyaaray ciyaaraha Olympic isaga oo xataa kulankii Final-ka kasoo muuqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here