Nin Udhashay Hindiya oo Sheegay in uu Shukaansaday 335 Haween ah.

0
207

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sunder Ramu oo ah jilaa, nin gaadda-ka-ciyaarka caan ku ah isla markaana sawirqaade ah sanadihii la soo dhaafay wuxuu shukaansaday 335 haween ah. Balse wuxuu sheegayaa weli inuusan gaarin yoolkiisii ahaa 365 haween ah inuu shukaansado.

Ninkan oo ah mid ay xaaskiisu kala tageen ‘oo aan jaceylka ku wanaagsaneyn’ ujeedkiisa ma ahayn oo keli ah inuu qofkii jaceyl la wadaagi lahaa uu helo.

“Aniga waxaan ahay nin jaceylka wax ka yaqaanno. Maalin walbana waxaan raadiyaa haweneydi aan jaceyl la wadaagi lahaa balse fikirka ka dambeeya inaan shukaansado 365 haween ah ma aha inaan helo haweeneydi aan nolosha la wadagi lahaa,” ayuu yiri.

“Waxaan anigu sameynaya ayaa wuxuu yahay inaan sare u qaado waciyiga ku aaddan xuquuqda haweenka ee Hindiya,” ayuu yiri.

Jilaagan ruwaayadaha dhigi jiray ka hor inta uusan u wareegin aflaanta afafka Tamil iyo Malayan ku baxo wuxuu mashruucan billaabay 1-dii Jannaayo 2015-kii.

Wuxuuna boggiisa Facebook uu ku soo qoraa sheekooyin ku saabsan haweenka uu soo shukaansaday oo isugu jira haween da’ ah, jilayaal, kuwa nadaafada ka shaqeeya, moodooyinka (models), macallimiinta jimicsiga, kuwa u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dadka, siyaasiyiin iyo qaar kale

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here