Messi oo Magacaabay Qofkii Doorka Weyn Ka Qaatay Ku Biiristiisa PSG.

0
183

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga cusub ee kooxda PSG ee Lionel Messi ayaa magacaabay qofkii doorka weyn ka qaatay in uu ku soo biiro kooxda PSG kadib markii uu ka tagay kooxda Barcelona markii uu heshiiskiisu dhacay.

Lionel Messi ayaa doortay ku biirista kooxda PSG inkasta oo si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Man City kuwaas oo uu Pep Guardiola doonayay in uu dib ula midoobo xiddiga reer Argentine.

Laakiin Messi ayaa sheegay in uu Neymar door weyn ka qaatay ku biiristiisa kooxda PSG halka uu sheegay sidoo kale in uu saaxiibo badan ku leeyahay qolka labiska PSG kuwaas oo ay xulka isaga soo garab ciyaareen.

Xiddiga 34 jirka ah ee Lionel Messi ayaa maanta si Rasmi ah u qabtay shirkiisii jaraa’iid isaga oo isku diyaarinaya in uu maanta bilaabo tababarkiisii ugu horeeyay ee kooxda.

Messi oo ka hadlaya doorka uu uu Neymar ka qaatay ku biiristiisa PSG ayaa yidhi”Neymar waxa uu door weyn ka ciyaaray imaatinkayga halkan, waxa aan qolka labiska PSG u leeyahay aqoon badan”.

“Marka aad eegto xiddigaa kooxda waad xiisaynaysaa PSG, aniga iyo kooxduba waxa aan leenahay hal u jeedo waxana aan rajaynayaa in aan wada gaadhno aniga, Neymar Di Maria, Paredes iyo saaxiibada kale”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here