Kiisaska Cudurka COVID-19 ee Muqdisho oo kordhay.

0
158

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saartay kiisaska cudurka COVID-19 ee la diiwaan geliyey 24-kii saac ee ugu dambaysay.

Warbixinta wasaaradda waxaa lagu shaaciyey in xanuunka laga baaray 1,244 oo qof, waxaana laga helay 77 ka mid ah.

Dadkan laga helay xanuunka ayaa kala jooga Banaadir 43, Puntland 28 iyo Somaliland oo laga diiwaan geliyey 6-kiis.

40 ka mid ah dadka xanuunka laga helay waa Rag, halka 37 ay dumar yihiin, sidoo kale 30 qof ayaa 24-kii saac ee u dambeysay ka soo bogsatay cudurka, halka 3-qofna ay ugu geeriyoodeen gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here