Barcelona oo War Ka Soo Saartay Mustaqalka Lionel Messi kadib markii uu ka tagay Kooxdaasi.

0
143

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – In kasta oo ay gaareen heshiis u dhexeeya Barcelona iyo Leo Messi isla markaana ay si cad u doonayeen in labada dhinac ay maanta heshiis cusub saxiixdaan, haddana suurtogal ma noqon doonto in si rasmi ah loo dhaqan geliyo caqabado dhaqaale iyo qaab dhismeed awgood iyo sidoo kale xeerarka LaLiga ee Spain.

Isagoo wajahaya xaaladdan, Lionel Messi ma sii wadi doono ka sii min ahaanshaha Barcelona.

Labada dhinac ayaa si aad ah uga qoomameynaya in rabitaanka ciyaaryahanka iyo Kooxda labadaba aan ugu dambeyn la fulin karin.

Barça waxay doonaysaa inay si kal iyo laab ah ugu mahadnaqdo kaalintii uu ciyaartoygu ka qaatay kahor bixitaankiisa ,Barca waxayna u rajaynaysaa sida ugu fiican noloshiisa gaarka ah iyo tan xirfaddiisaba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here