Puntland oo Hay’ado Caalami ah kala hadashay halista COVID-19

0
146

JOWHAR (Radio isnaay) Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa maanta kulan xog waran ah iyo sidii looga wada shaqayn lahaa Covid19 la qaadatay hay’addaha caalamiga ah qaarkood.

Kulankaan oo uu shir gudoomiyay agaasimaha guud ee wasaaradda Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan ayna weheliyeen agaasimaha waaxda caafimaadka guud iyo lataliyaha wasaaradda, waxaana madaxa xogta wasaaraddda uu la wadaagay xogtii ugu danbeysay ee xanuunka Covid 19 taas oo ay ka muuqato sara-ukac uu sameeyay xanuunka.

Kadib waxaa la isla falanqeeyay caqabadaha jira iyo sidii la iska kaashan lahaa xanuunka.

Shirka ayaa wax badan lagaga hadlay talaalka cudurka COVID-19 oo ku diyaarsan xarumaha caafimadaadka Puntland, Agaasimaha guud wasaaradda Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan ayaa warbaahinta hadal kooban xafiiskiisa kusiiyay ayaa sheegay:-

“Waxaan maanta kulan wada qaadanay hay’addaha caalamiga ah kaas oo aan kula wadaagnay xogta xanuunka iyo sara-ukac uu sameeyay, waxaan sidoo kale isla qaadanay sidii aan uga wada shaqayn lahayn.”

“Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in 10 bari ee la soo dhaafay xanuunka dad badan laga helay ayna u geeriyoodeen ilaa 10 qof, waxaa sidoo kale shaybaarka uu xaqiijiyay in nooca cusub oo ka halis badan kii hore uu yahay nooca hada Puntland loo yaqaano Delta waana nooc wadamo India kamid tahay horay looga helay.”

“Waxaan dadweynaha usoo jeediyay in dib loo soo celiyo taxadarkii gaar ahaan afxirashada isku imaatinka sidoo kalena dadweynaha ay talaalka qaataan kaas oo wasaaraddu dhamaan gobolada gaysay iyo degmooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here