Fanaanada Caanka ah Rihanna oo si rasmi ah u noqotay bilyaneer.

0
127

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Rihanna ayaa haatan si rasmi ah u noqotay bilyaneer iyo weliba haweenayda ugu qanisan dumarka heesa ee caalamka, sida lagu sheegay wargeyska Forbes.

Xiddigtan heesta ayaa waxa ay haysataa hanti gaaraysa $1.7 bilyan (£1.2 bilyan), iyadoo la qiyaasayo in $1.4 bilyan ay ku fadhiso shirkadeeda sameesa alaabaha ay haweenka isku qurxiyaan ee Fenty Beauty.

Dhaqaalaheeda kale waxa uu inta badan ka yimid shirkaddeeda dharka hoosta laga xirto, Savage x Fenty, taas oo lagu qiyaasay $270 milyan, iyo lacagaha ay ka hesho heesaha iyo jilliinka.

Waxa ay kaalinta labaad ugu jirtaa Oprah Winfrey oo ah haweenayda ugu qanisan dumarka caalamka ee madadaalada sameeya.

xigasho BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here