Wadanka Turkiga oo laga soo Masaafurinayo Muhaajiriin Udhashay 24 Dal.

0
166

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dedejinta Hawlaha Masaafurinta ilaa 15,328 Muhaajiriin sharci-darro ku joogtay dalkaasi ayaa haatan heer gebagebo ah marayso, sida ay sheegeen Agaasinka Bolis-gobaleedka Istanbul.

Afartii bilood ee la soo dhaafay waxaa socday Hawlgalo lagu qabanayey Muhaajiriinta sharciga la’aanta ku joogay dalkaasi.

Qoraal ka soo baxay Agaasinka Boliska Istanbul waxaa lagu sheegay inay kooxo ka tirsan Boliska fuliyeen Hawlgaladaasi oo Istanbul ka socday muddadii u dhexeysay Bishii March 26-dii ilaa July 31-dii ee la soo dhaafay.

Ololaha Qabasahada Muhaajiriinta ayaa waxay Boliska ku ugaarsanayeen Muhaajiriinta sida sharci-darrada ku galay, kuna joogaTurkiga iyo kuwa hasta Fiisooyinka xilligooda dhacay.

Warbixinta ka soo baxay Agaasinka Boliska Istanbul waxaa lagu sheegaay inay natiijada dadaalka Boliska noqday inay ku soo qabtaan 15,328 Muhaajiriin aan haysanin Sharci, kuwaasi oo ka soo kala jeeda 24 Waddan.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Kala-bar tirada guud ee Muhaajiriinta ka soo kala jeedaan dalalka Afganistan iyo Pakistan, iyadoo ay 5,365 waxay ka soo jeedaa Afganistan, halka ay 2,541 kalena yihiin Muwaadiniin u dhashay Pakistan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here