Hirshabeelle Oo Magacaawday Guddiga Doorashada Aqalka Sare

0
206

JOWHAR (Radio isnaay)Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan ayaa magacaabay xubnaha Guddiga ee qabashada doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

15-xubnood oo dhammaantood ka tirsan Xildhibaanada Hirshabeelle ayuu Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan Maxamed u magacaabay Guddiga doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Maamulkaas.

Guddigaan ayaa ka shaqeyn doona doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee ka dhaceysa Magaalada Jowhar, waxaana Guddigan ay la kulmi doonaan Guddiga hirgelinta doorashooyinka Hirshabeelle.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here