Dowladda Sucuudiga oo ku dhawaaqday Go’aamo cusub oo ku saabsan Tallaalka Covid-19.

0
139

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Digreeto ay soo saartay xukuumadda Sucuudigu ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta oo Axad ah ay waajib tahay in dadka gelaya tukaamada iyo goobaha ganacsiga ama isticmaalaya gaadiidka dadweynuhu ay ka talaalan yihiin fayraska korona.

Wasaaradda arimaha gudha ayaa sheegtay in talaalku shardi u yahay adeegsiga goobahaas guud ahaan gobollada dalka oo dhan.

Sucuudigu waxa kale oo uu haatan sheegay in loo ogolaan doono in ay dalka soo galaan dadka shisheeyaha ah hadii ay tallaalan yihiin oo ay sitaan shahaado muujinaysa in ay talaal buuxa qaateen iyo sidoo kale warqadda baadhitaanka oo ah in aan qofkaasi aanu qabin fayraska korona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here