Xiddig U Ciyaara Chelsea oo Blues Ka Hor Istaagi Kar Saxiixa Jules Kounde.

0
201

Jowhar –  ( Radio Isnaay ) – Heshiiskii ay chelsea ku doonaysay saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Sevilla ee Jules Kounde ayaa halis ku jira kadib markii uu daafaca dhexe ee Kurt Zouma iska diiday in uu ka qayb ahaado heshiiska.

Chelsea ayaa Sevilla u soo bandhigtay lacag dhan 30 milyan iyo waliba Kurt Zouma si ay u hesho saxixia daafaca dhexe ee Jules Kounde inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Laakiin Daafaca dhexe ee chelsea Zouma ayaa iska diiday in uu ka qayb noqdo heshiiska isaga oo doonaya in uu ku biiro kooxda West Ham siina joogo horyaalka premier League.

Xiddiga Zouma ayaa doorbidaya in uu ku biiro West Ham halkii uu ku biiri lahaa kooxda Sevilla kana qayb noqon lahaa heshiiska ay chelsea ku doonayso daafaca dhexe ee Jules Kounde.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa Kounde u arka xiddig wax weyn ku soo kordhin kara kooxdiisa waliba xoojin kara kooxdiisa xilli ciyaareedka damb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here