Puntland oo dib u dhigtay furitaanka Iskuullada Qardho sababo la xariira Covid-19

0
212

Wasiirka Wasaaradda  Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland ayaa sheegay in labo toddobaad oo dheeri ah lagu daray Furitaankii ama Fasaxii dugsiyada degmada Qardho.

Sidaas darteed, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa guud ahaanba bulshada deegaanka Puntland kula dardaarmaya in cudurka safmarka ah ee COVID-19 si fiican looga taxaddaro, islamarkaana ay waxbarashadu sidii loogu talagalay u socoto laga bilaabo xilligii horay jadwalka ugu qornayd marka laga reebo degmada Qardho, iyada oo la raacayo awaamiirta guud ee caafimaadka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here