Real Madrid oo Ogolaatay In Ay Arsenal Ka Iibiso Martin Odegaard.

0
221

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay Arsenal u sheegtay in ay diyaar u tahay in ay ka iibiso xiddiga khadka dhexe ee Martin Odegaard inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Laakiin Los Blancos ayaa Arsenal u sheegtay in ay kaliya Aqbali doonto lacag dhan 50 milyan oo euro si ay u fasaxdo xiddiga 22 jirka ah inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Xiddiga reer Norway ayaa qaab amaah ah ku joogay Arsenal qaybtii dame ee xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo kooxda u ciyaaray 20 kulan tartamada oo dhan isla markaasna dhaliyay 2 gool 2 kalena caawiye ka noqday.

Arsenal ayaa la sheegayaa in ay xiddiga doonayso in ay doonayso in ay la wareegto xiddiga xagaagan laakiin heshiis amaah ah ayaa la filayaa in ay ku heli karto marka loo eego xaalada dhaqaale ee Real Madrid.

Sida laga soo xigtay ESPN, Los Blancos ayaa ku kalsoon in uuu Odegaard xiddig muhiim ah ka yahay kooxda laakiin ay ku iibin karto lacag dhan 50 milyan oo euro hadii uu u yimaado dalabkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here