Magaalada Kismaayo oo laga Daah furay tartanka Kubadda Cagta kooxaha heerka koowaad.

0
143

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta daah furay tartanka Kubadda cagta kooxaha heerka koowaad ee Jubbaland.

Munaasabadda furitaanka tartankan ayaa lagu furay kooxaha Kubadda cagta ee Dekedaha iyo koban, iyadoo Madaxweynaha Jubbaland uu kamid ahaa mas’uuliyiin iyo dadweyne kala duwan oo ciyaartaas daawanayay.

Masuuliyiinta Wasaarada dhallinyarada iyo Ciyaaraha, xiriirka kubada cagta Jubbaland iyo xubno ka socday xiriirka kubada cagta Soomaaliya ayaa sidoo kale ka qeybgalay munaasabadan lagu daah furayay tartanka Kubadda Cagta kooxaha heerka koowaad ee Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here