Dowladda Mareykanka oo Wadda Qorsho cusub oo looga Hortagayo Caabuqa COVID-19.

0
139

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhawaaqi doono in malaayiinta qof ee u shaqeeya Dowladda Federaalka Mareykanka looga baahnaan doono in ay keenaan caddeyn muujineysa in ay qaateen tallaalka cudurka COVID-19 ama ay diyaar u noqdaan in ay si joogta ah u maraan tijaabada Coronovirus.

Biden oo la hadli doono shacabka Mareykanka ayaa sidoo kale ku dhawaaqi doono, in dhammaan xarumaha dowladda federaalka Mareykanka dib loogu soo celin doono amarrada lagu yareeyo faafista cudurka COVID-19, sida xirashada maaska oo lagu waajibi doono dadka tallaalan iyo kuwa aanan wali istallaalin iyo in dadku ay kala fogaadaan.

Sida ay sheegeen ilo ku dhaw dhaw Aqalka Cad, madaxweyne Biden ayaanan qasab uga dhigi doonin shaqaalaha federaalka in ay istallaalaan.

Siyaasaddan cusub ee ay dowladda ku rabto in ay ku dhiirigeliso tallaalka cudurka COVID-19 ayaa ka danbeysay kaddib marki uu gudaha Mareykanka si aada ah ugu faafay tafiirta cusub ee Delta oo ka mid ah nuucyada cudursidayaasha dhaliya xanuunka COVID-19.

Boqolkiiba 60 dadka qaan-gaarka ah ee Mareykanka ayaa si buuxda isaga tallaalay cudurka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here