Chelsea oo Dajisay Qorshe Cusub Oo Ay Ku Doonayso Saxiixa Romelu Lukaku.

0
145

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay kooxda Inter Milan u soo bandhigtay Timo Werner si uu uga qayb noqdo heshiiska ay ku doonayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara ee Romelu Lukaku.

Blues ayaa la sheegayaa in ay Lukaku u calaamdsatay bartilmaameedkooda 1-aad ee suuqa xagaagan kadib markii ay ku fashilmeen saxiixa xiddiga Erling Haaland.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ay Inter Milan chelsea ka diiday dalab lacageed oo dhan 111 milyan oo euro kaas oo ay ku doonaysay in ay ku hesho xiddiga.

Si kasta ha ahaatee saxafiga Alfredo Pedulla ayaa sheegay in ay chelsea haatan Werner ku dari doonto lacagta ay ku doonayso saxiixa xiddiga Romelu Lukaku.

Werner ayaa ku dhibaatooday chelsea xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay kadib markii uu kaliya 12 bilood ka hor kaga soo biiray chelsea kooxda RB Leipzig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here