Kooxda Real Madrid oo Diiwaangelisay Rikood Cajiib Ah.

0
230

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kaddib markii uu Rahael Varane 50 milyan oo Euro ugu wareegay Manchester United, waxa uu baal dahab ah ka galay taariikhda Real Madrid isagoo lagu daray liiska xiddigihii ugu qaalisanaa ee ay abid iibiso kooxda reer Spain. Lacagta laacibkan ay ku iibisay Real Madrid, waxay ka mid noqotay kuwii ugu badnaa ee ay kooxdani ka heshay ciyaartooyo ay iibisay.

Xilligan oo lagu jiro Fayraska Korona oo ay dhaqaale xumo jirto iyo in ciyaartoy 11 bilood ka hadhsan yahay waqtiga uu dhamaanayo qandaraaskiisu oo waliba diiday heshiis cusub, ay ku iibiso lacag gaadhaysa 50 milyan oo Euro, waxay Real Madrid u aragtaa guul ay ka gaadhay dhinaca suuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here