Timo Werner oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Chelsea

0
147

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Timo Werner ayaa si cad u sheegay in uu doonayo in uu sii joogo kooxda chelsea isaga oo iska diiday xiisaha kooxda Bayern Munich.

Mustaqbalka Timo Werner ee chelsea ayuu shaki ku jiray todobaadyadii ugu dameeyay iyada oo chelsea lala xidhiidhinayo weeraryahan cusub inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Kooxda Bayern Munich ayaa xiiso u muujisay saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara kadib markii uu tababaraha kooxda ee Julian Nagelsmann oo xiddiga horay ula soo shaqeeyay codsaday in loo keeno kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here