Dowladda Turkiga oo soo Badbaadisay 388 Tahriibeyaal ah.

0
175

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ciidamada ilaalada xeebaha ee Turkiga ayaa badbaadiyay 388 magangalyo doon ah intii u dhaxeysay 17-kii ilaa iyo 22-kii bishan July,muhaajiriintan oo ay dib u celiyeen ciidamadii Giriigga ee ku sugnaa Badda Aegean dhanka biyaha Turkiga, sida ay masuuliyiintu sheegeen Talaadadii.

Wadar ahaan 217 magangalyo doon ah ayaa laga soo badbaadiyey xeebta Seferihisar ee galbeedka gobolka Izmir iyadoo labo tuhmane oo tahriibina la xiray intii u dhaxeysay July 18 iyo July 21. intaas waxaa sii dheer, 78 magangalyo doon ah ayaa laga helay xeebta Dikili intii u dhaxeysay July 17 iyo July 20.

Bishii Luulyo 22, 26 magangalyo doon ah ayaa laga badbaadiyay xeebta degmada Izmir ee Foça iyadoo sidoo kale la soo badbaadiyay 67 kale oo ajaanib ah oo ku xanniban dooni ka soo shiraacday degmada Çeşme.

Turkiga iyo Giriigga ayaa ah marin muhiim u ah muhaajiriinta doonaya inay u sii gudbaan Yurub, iyagoo ka cararaya dagaallada iyo cadaadisyada si ay nolol cusub u bilaabaan Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here