Chelsea oo Dhamaystirtay Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Xagaaga.

0
142

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis la gaadhay Goolhaye Marcus Bettinelli kaas oo ay ka dhigayso saxiixeeda ugu horeeya ee suuqa xagaagan.

Goolhayaha reer England ayaa ah xiddig xor ah kadib markii uu dhacay heshiiskiisa kooxda Fulham oo uu joogay sanadihii ugu dambeeyay.

Marcus Bettinelli oo 29 jir ah ayaa ogolaaday in uu ku biiro kooxda chelsea isaga oo noqon doona saxiixa 1-aad ee kooxda suuqa xagaagan si uu badal ugu noqdo Willy Caballero oo ka tagay kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here