Arsenal oo Laga Doonayo Alexandre Lacazette.

0
162

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wararka ka imanaya dalka England ayaa sheegaya in ay kooxda Atletico Madrid doonayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Alexandre Lacazette inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Atletico Madrid ayaa doonaysa saxiixa weeraryahan cusub inta lagu xagaagan si ay ugu xoojiso weerarka uguna taageerto xiddiga Luis Suarez.

Kooxda ku guulaystay horyaalka La Liga ayaa xilli ciyaareedkii hore kaliya adeegsatay xiddiga Luis Suarez kaas oo dhaliyay 21 gool waliba kooxda kula guulaystay horyaalka La Liga.

Shabakada ESPN ayaa sheegaysa in ay kooxda Atletico Madrid xiddiga Alexandre Lacazette u aragto xiddig si weyn u caawin kara kooxda marka uuna Luis Suarez qaab ciyaareed fiican ku jirin ama dhaawac ku seego.

Dhanka kale Arsenal ayaa diyaa u ah in ay iska iibiso xiddiga Alexandre Lacazette Kaas oo doonaya in uu isaga tago Gunners si uu u raadsado koox uu si joogto ah ugu ciyaaro xilli ciyaareedka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here