Madaxweynaha Tunisia oo Shaqadii ka Ceyriyay Ra’isul Wasaaraha Dalkaasi.

0
166

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kumannaan kun oo mudaaharaadayaal ah, oo ka careysan qaabka khaldan ee dowladda u maamushay xanuunka ‘Covid-19’, ayaa soo buux dhaafiyay waddooyinka waxayna isku dhaceen booliska.

Madaxweyne Kais Saied ayaa ku dhawaaqay inuu la wareegayo xilka isagoo gacan ka helaya ra’iisul wasaare cusub, waxa uu sheegay inuu damacsan yahay inuu dejiyo xaaladda dalka oo uu dib usoo celiyo xasiloonida iyo kala dambeynta.

Balse dadka ka soo horjeedaa waxay ku tilmaameen talaabadiisa inay inqilaab tahay.

Kumannaan kun oo qof ayaa banaanbax ka dhan ah xisbiga talada haya ka dhigayay caasimada Tunis iyo magaalooyin kale, iyagoo ku qeylinayay “banneeya meesha!”, Waxayna ku baaqayeen in baarlamaanka la kala diro.

Ciidamada amaanka ayaa xiray baarlamaanka iyo waddooyinka ku xeeran bartamaha Bourguiba, oo ah xarun saldhig u ahayd mudaharaadyadii looga soo horjeeday dowladda intii lagu gudajiray kacdoonkii Tunisia ee sanadkii 2011.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here