Liverpool oo Haatan Si Rasmi Ah U Biloday Dadaalkooda Saxiixa Xiddig Khadka Dhexe Ah.

0
145

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah u bilowday dadaalada ay ku doonayso xiddig khadka dhexe ah sida ay sheegayaan wararku kadib markii ay xiddigo dhawr ah iska iibisay ilaa haatan.

Livrrpool ayaa tan ilaa bilowgii xagaagan lala xidhiidhinayay xiddigo badan oo khadka dhexe ah laakiin kooxda ayaan wax talaabo ah u qaadin saxiixyada xiddigaha lala xidhiidhinayay.

Reds ayaa haatan iska iibisay 6 xiddig oo ahaa xiddigaha aan joogtada ugu ciyaarin kooxda 1-aad ama aan ka qaybta ahayn qorshaha tababare Jurgen KLopp ee xilli ciyaareedka cusub.

Kooxda ayaa 33.3 milyan euro ka heshay xiddigaha ay iska iibisay waxana ay haatan u dhaqaaqaysaa saxiixa xiddig khadka dhexe ah oo ay ku xoojiso kooxda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ay Liverpool haatan si Rasmi ah u bilowday in ay la saxiixato xiddig khadka dhexe ah si ay ugu buuxiso booskii uu baneeyay Gini Wijnaldum.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here