Paul Pogba oo Iska Diiday Dalabkii Ugu Dambeeyay Ee Heshiis Kordhinta Man United.

0
143

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United Paul Pogba ayaa lagu soo waramayaa in uu diida heshiis cusub oo ay kooxda Man United u soo bandhigtay iyada oo uu xiddigu doonayo in uu isaga tago kooxda xagaagan.

Heshiiska xiddiga reer France ee Man United ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka dambe Red Devils ayaana la rumaysanyahay in ay wadahadalo kula jirto wakiilka xiddiga si ay heshiis cusub uga saxiixato.

Sida laga soo xigtay The Mirror, Man United ayaa dalab Rasmi ah oo uu xiddigu mushahar ugu qaadanayo todobaadkii 350 kun oo Gini miiska u saartay xiddiga laakiin xiddiga ayaa si Rasmi ah isaga diiday.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda PSG doonayso saxiixa xiddiga 28 jirka ah waliba diyaar ula tahay in ay miiska u saarto lacag dhan 45 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga xagaagan.

Tababaraha Ole Gunnar Soslkaer ayaa la sheegayaa in uuna si dhib yar ku iibin doonin xiddiga waliba dalban doono lacag dhan 50 milyan oo euro hadii uu ka tagayo kooxda xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here