Barlamaanka England oo Dood ka Yeeshay Dhibatooyinka Caafimaad ee ay la Kulmaan Haweenka Dalkooda.  

0
126

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qorshaha meesha looga saarayo qalliinka lagu soo celiyo bikrada haweenka ee England iyo Wales ayaa baarlamaanka la horkeenay.

Xildhibaanka muxaafidka ah ee Waqooyi Galbeed Durham, Richard Holden ayaa miiska soo saaray qodob ku saabsan Sharciga Caafimaadka iyo Daryeelka, kaas oo doonaya in la mamnuuco labada habraac.

Marka uu hindisahaan meelmaro, dhakhaatiirta ama umulisooyinka fuliya qalliinada noocaan ah waxay mutaysan karaan xabsi.

Qaarkood waxay ka baqayaan in haddii dambi laga dhigto qalliinada lagu soo celiyo bikrada ay xabsi galaan, si kastaba ha ahaatee khubarada caafimaadka ayaa sheegaya in qalliinka bikrada dib loogu soo celinayo uu yahay xadgudub aan cilmi ku dhisneyn.

Laakiin dhinaca kale waxaa jira walaac laga qabo in haddii nidaamkaas la mamnuuco ay sii kordhi karto khatarta ay haweenku qoysaskooda ka wajahaan.

Hawenka qalliinnada noocan ah lagu sameeyo ayaa la sheegay in kuwo badan oo ka mid ah ay yihiin Muslimiin, oo kasoo jeeda qoysas ku adag dhaqanka, waxayna halis ugu jiraan in la deyriyo, ama xitaa mararka qaar laga yaabo in la dilo, haddii ragga guursaday ama xubno ka tirsan qoysaskooda ay ogaadaan inay galmo soo sameeyeen guurka ka hor.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here