60-kun oo Xujey oo maanta Taagan Buurta Carafo.

0
153

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maanta waa 9-ka Dil Xijjah (Carafo), waa rukniga ugu weyn ee gudahasha acmaasha Xajka Alle, sanadkii labaad waxaa xajinaya tiro aad u yar kadib markii Boqortooyada Sacuudiga ay xayirtay bixinta ogolaashiyaha sabab ka dhalatay Covid-19.

Qiyaasta dadka xajinaya sanadkaan 1442 Hijriya waa 60,000 (Lexdan kun) oo kala ah Muwaadiinta Gudaha & Dadka Deegaanka, waana tiro aad uga yar malaayihintii gudashada Acmaasha Xajka u tagi jirtay Sacuudiga sanad waliba.

Xujeyda waxaa ay qaateen kaarar muujinaya in ay ka badqabaan xannuunka Covid-19 iyo in ay qaateen Tallaalka, waana shuruudda lagu siiyay ogolaanshiyaha in ay sanadkaan noqdaan Martida guriga Alle.

Wadddooyinka malaha cariirigii (Saxmadda) Dadka aadka u badnaa ee gaarayay 2.5 Milyan ee dalalka kala duwan ee caalamka ka tagi jirtay, sidoo kale waxaa maran buurta oo waxaa ka muuqda dad kooban.

Boqortooyada Sacuudiga gaar ahaan Wasaaradda arrimaha Xajka ayaa soosaartay nidaam ay ugu talagashay in ay maraan Xujeyda kooban ee sanadkaan fursadda u heshay in ay tagaan Xajka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here