Kieran Trippier oo Qaaday Talaabo Ku Dhawaynaysa Man United.

0
143

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga lala xidhiidhinayo kooxda Man United ee Kieran Trippier ayaa wadahadalo kula jira xiddiga kooxda Man City ee Raheem Sterling si uu uga iibsado Guri uu Raheem Sterling ku leeyahay magaalada Manchester.

Xiddiga kooxda Man City ee Raheem Sterling ayaa iska iibinaya Guri uu ku leeyahay xaafada Cheshire kaas oo uu lahaa tan ilaa sanadkii 2017 waxana uu ku iibinayaa lacag dhan 3 milyan oo euro ah.

Warkan ayaa dabka ku sii shidaya Wararka xiddiga Kieran Trippier la xidhiidhinaya kooxda Man United kaas oo ay u doonayso in ay ku xoojiso daafaca Midig ee kooxda xilli ciyaareedka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here