Laba Koox Oo Premier League Ah Oo Iska Diiday Saxiixa Antoine Griezmann.

0
204

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxaha Chelsea iyo Manchester City Ayaa lagu soo waramayaa in ay labadooduba iska diideen fursad ay kula saxiixan lahaayeen xiddigaha kooxda Barcelona ee Antoine Griezmann inta lagu jiro suuqa xagaagan sida ay sheegayaan wararku.

Kooxaha Chelsea iyo Manchester City ayaa si aad a u doonaya in ay la soo saxiixdaan weeraryahan cusub inta lagu jiro suuqa xagaagan waxana loo soo bandhigay xiddiga Antoine Griezmann laakiin labada kooxood ayaa iska diiday.

Labada kooxood ayaa doonayay weeraryahan cusub iyga oo lala xidhiidhinayo xiddiga Erling Haaland, Harry Kane & Romelu Lukaku kuwaas oo aad loo qiimeeyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here