Manchester City oo Bartilmaameedkeeda u weecisay weeraryahan kale oo tayo badan.

0
142

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Naadiga Manchester City ayaa illaa iyo haatan raadineysa saxiixeedii ugu horreeyay ee suuqa xagaagan iyadoo bartilmaameedsaneysa xiddigaha Ingiriiska ah ee Harry Kane oo weerarka uga ciyaara kooxda Tottenham Hotspur iyo Jack Grealish oo khadka dhexe kaga ciyaara Aston Villa.

Balse wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya inay Man City markaan diiradda saareyso inay gacanta kusoo dhigto weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski si uu u buuxiyo booska weerarka dhexe ee kooxda maadaama aysan Sky Blue heysan weeraryahan si buuxda la isugu halleyn karo.

Kabtan xulka England ayaa ah dooqa koowaad ee maamulka naadiga Etihad ka dhisan iyagoo goor hore gorgortan ka kacaya 100 milyan oo gini la gashay Spurs, balse guddoomiyaha naadiga London ka dhisan ee Daniel Levy ayaa ku adkeystay in Kane ay sii heystaan ugu yaraan xilli ciyaareed kale ama ay ku iibiyaan lacag aanan ka yareyn 150 milyan oop gini.

Sidaas darteed, Manchester City ayaa dareenkeeda u weecisay saxiix ka yara sahlan isla markaasna leh tayo sare, waxayna diiradda saareysaa 32-jirka u ciyaara naadiga Bayern.

Si kastaba ha ahaatee, Kabtanka xulka Poland ayaa ay labo sano ka harsan tahay qandaraaska uu ku joogo garoonka Allianz Arena, waxaana saxiixiisa lagu heli karaa qiimo ka hooseeya midka ay Tottenham ku iibineyso Harry Kane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here