Sergio Ramos oo shaaciyay ciyaaryahanka ka caawiyay inuu PSG ku Biiro.

0
177

Jowhar – ( Radio Isnaay ) Tan iyo markii la xaqiijiyay inuu Sergio Ramos ka tagayo kooxda Real Madrid bartimhii bishii June, waxaa lasoo warinayay kooxo dhowr ah inay ku dagaallamayaan saxiixiisaManchester City, Arsenal, Bayern Munich, Manchester United iyo Paris Saint-Germain.

Hase ahaatee, waxaa jiro waxyaabo kala duwan oo PSG ka caawiyay inay gacanta ku dhigto saxiixa Ramos oo bilaash ay ku heshay maadaama uu idlaaday qandaraaskiisii garoonka Santiago Bernabeu.

Wareysi uu 35-jirka daafaca dhexe ka ciyaara siiyay jariiradda L’Equipe ee dalka Faransiiska ayuu ku sheegay in Neymar Jr oo qayb libaax leh ka qaatay inuu doorto ku biirista naadiga caasimadda France ka dhisan.

“Neymar iyo aniga waxaan isla hadleynay lix ama toddobo sano, inkastoo ay jirto xaqiiqada ah inuu isaga usoo ciyaaray Barcelona aniga Real Madrid, misena waxaa naga dhexeeyay saaxiibtinnimo qoto dheer” ayuu yiri Ramos.

“Waxaa sidaas iila mid ah [Angel] Di María ama Keylor [Navas], waxaan ahayn saaxiibbo isku dhow markey Real Madrid kasoo tageen kaddib, Neymar ayaase i qalqaaliyay kahor intaan kusoo biirin PSG, kahor intaadan ku biirin koox cusub, marwalba way ku caawineysaa inaad la hadasho ciyaartoy kala duwan” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Kabtankii hore ee Los Blancos ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay inuu la hadlay agaasimaha ciyaaraha PSG ee Leonardo iyo madaxweynaha kooxdaas ee Nasser Al Khelaïfi kuwaasoo iyagana ku qanciyay ku biirista Parc des Princess sida uu sheegay.

Si kastaba ha ahaatee, Daafaca isbaanishka ah ayaa xagaagan soo gaba-gabeeyay 16 sano oo uu xirnaa maaliyadda Real Madrid kaddib markii ay isaga iyo kooxdiisa isku waafaqi waayeen inuu saxiixo qandaraas cusub, waxaana uu dhowaan si rasmi ah ugu biiray naadiga Paris Sain-Germain.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here