kooxda Raadsan oo Guul u muhiim ah ka gaartay Heegan.

0
788

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Kubadda Cagta ee Raadsan ayaa guul muhiim ah si dieqi ah uga gaartay dhigeeda Heegan kulan ciyaareed kutirsanaa horyaalka heerka koobaad ee dalka xili ciyaareedka 2929-2921 kulankaasi oo ka dhacay garoonka kubadda cagta ee syadium muqdisho ayna kasoo qeybgaleen taageerayaasha labada kooxood iyo bahda jecel kubadda cagta,

Kooxda Heegan ayaa sameeyay qeybta hore ee kulanka fursado ay kuu dooneysay iney hogaanka ku qabtaan, iyadoo sidoo kale kooxda Raadsan ay ciyaareysay kubaddo soon ahaa wallow aysan labada kooxood helin wax fursad gool lagu dliyey, waxaana qeybtaasi koobaad lagu kala nastay 0-0.Gool, waxaana qeybtaasi garsooraha ciyaarta uu kaarka digniinka u taagay Cabaas aadan daqiiqadii 44aad oo Raadsan iyo sidoo kale Tababaraha kooxda Cabdi Weli Maxamed (Cabdi-Joon)

Qeybta labaad ee ciyaarta ayaa waxaa halkii kasii socday weerar iyo weerar celis ay sameeyeen labada dhinac, waxaana xusid mudan in daqiiqadii 80-aad kooxda Raadsan ay heshay gool-kulaad markii goolhayaha kooxda Heegan uu qalad ku sameeyay ciyaaryahan lagu magacaabo Yuusuf kaasoo dhaawac lagu saaray, waxaana gool u bedelay oo dhaliyey laacibka Raadsan lambarka 10-aad JIbriil Xassan Fariid oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa sidaa ayeyna guushu ku raacday kooxda Raadsan 1-0, waxaana hadda ay dhanka goolasha kaga horeysaa Heegan kursiga sadaxeed kala horeynta.

garsooraha kulanka Xasan Maxamed Xaaji (Vaari) ayaa kaararkii ugu badnaa ee Digniinta u taagay ciyaartoyda Raadsan oo qeybta labaad 4 kaaar la siiyey ciyaartoyda kala ah,Brian Mugisha daqiiqadii 58aad Abdikadir Siidoow daqiiaadii 50aad Lukwata daaiiqadii 70aad iyo goolhaye Yuusuf daqiiqadii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here