Jorginho oo Ka Hadlay Fursaddiisa Ballon d’Or:

0
140

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga khadka dhexe uga  ciyaara xulka qaranka Talyaaniga iyo Chelsea ee Jorginho ayaa ka hadlay suurtogalnimada iyo fursadda uu u haysto inuu ku guuleysto abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or, taas oo lagu daray ciyaartoyda loo saadaalinayo.

Lionel Messi ayaa murashaxa koowaad noqday kaddib markii uu waddankiisa Argentina u qaaday tartanka Copa America, isla markaana uu bandhig fiican ka sameeyey horyaalka LaLiga oo uu 30 gool dhaliyey, caawintii ugu badnaydna ka sameeyey, waxaana haddii uu ku guuleysto ay u noqonaysaa markiisii toddobaad.

Laakiin Jorginho ayaa liiska soo galay markii uu qaab ciyaareedka wanaagsan ka sameeyey Euro 2020 oo uu dalkiisa kula guuleystay, waxaana uga horreeyey Champions League oo uu hormood u ahaa xiddigihii Chelsea ee ku guuleystay dhamaadka bishii May.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here