Real Madrid oo Heshiis Xor Ah La Gashay Kabtankii Barcelona.

0
224

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa  ku biirtay naadiyada ka faa’iidaystay dhibaatada dhaqaale ee Barcelona, waxaanay lasoo saxeexatay mid ka mid ah xiddigaha kooxdaas ee heshiisyadoodu dhamaadeen.

Real Madrid ayaa dhisanaysa koox ay kaga maarmayso in ay mustaqbalka suuqa geliso lacag, waxaanay soo urursatay ciyaartooyo da’yar iyadoo awoodda saaraysa dhismaha kooxdeeda da’yarta.

Los Blancos ayaa go’aamisay in ciyaartoydeeda da’da yar ee Sergio Arribas, Miguel Gutierrez, Antonio Blanco iyo Marvin Park ay xilli ciyaareedkan si wada-jir ah ugu ciyaaraan kooxda koowaad iyo kooxda labaad intaba, laakiin waxay kusoo kordhiyeen safkooda hal ciyaartoy oo kale oo si xor ah ay ugala soo wareegeen Barcelona.

Kabtankii kooxda Barcelona ee 19 jirrada ee Jaume Jardi ayay Real Madrid si rasmi ah u shaacisay inay heshiis la gaadhay oo uu ka mid noqonayo kooxdeeda.

Heshiiskii uu Jardi kula jiray Barcelona ayaa dhamaaday maalintii ugu dambaysay bishii hore ee June, waxaana ka ambobaxay naadigaas kaddib markii ay isla gaadhi waayeen heshiis cusub.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here