Real Madrid oo Guul Ku Bilaabatay Kulamada Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub.

0
110

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Real Madrid ayaa ciyaartay kulankeedii ugu horeeyay ee saaxiibtinimo ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyaga oo guul ka gaadhay kooxda heerka 2-aad ee Spain ee Fuenlabrada.

Real Madrid ayaa soo afjartay todobaad ay qaateen tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub waxana ay la ciyaareen kooxda Fuenlabrada iyaga oo kula ciyaaray garoonka Valdebebas.

Los Blancos ayaa guul 3/1 ah ka gaadhay kooxda Fuenlabrada Iyada oo uu Carlo Ancelotti guul ku bilowday kulankiisii ugu horeeyay ee uu hogaamiyay kooxda.

Xiddigaha Fuenlabrada ayaa ciyaartay qaab difaac ah laakiin Real Madrid ayaa guul fudud ka gaadhay kooxda Los Blancos iyaga oo awoodooda soo bandhigay.

Real Madrid ayay goolasha u dhaliyeen xiddigaha Victor Chust, Martin Odegaard & Mariano iyada oo uu Ancelotti tijaabinayo xiddigaha kooxdiisa ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here