In ka Badan 10 Qof oo ku Dhimatay Biriq ka dhacday Dalka Hindiya.

0
113

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan 11 qof ayay biriq ku dishay waqooyiga Hindiya halka dad badan uu dhaawac kasoo gaaray dhacdadaas.

Xilliggii ay biriqda dhaceysay dadkan waxay sawirro isaga qaadayay goob caan ah oo loo dalxiis tego oo ku taalla gobolka Jaipur.

Ilaa 27 qof ayaa ku sugnaa goobta oo sawirro isaga qaadayay halkaas.

Biriqda waxay sanad kasta Hindiya ku dishaa ku dhawaad 2,000 oo qof.

Guddoomiyaha gobolka ayaa shaaciyay lacag dhan $6,700 doolar oo magdhaw ahaan loo siinayo qoysaska dadka ay waxyeellada kasoo gaartay masiibadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here