Guddiga doorashooyinka Maamulka Hir-Shabeelle oo guddoon doortay

0
176

JOWHAR (Radio isnaay) Magaalada Muqdisho waxaa Maanta oo Isniin ah kulan ku yeeshay xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Maamulka Hir-Shabeelle, iyaga oo Maanta kulankooda ku doortay Guddoomiye iyo kuxigeenkiisa.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 11 Xubnood ayaa waxaa  xilka gudoomiyaha isku soo taagay Axmed Xasan Diini, waxaana iyada oo aysan jirin cid la tartantay oo ku guuleystay guddoomiyaha Gudiga doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Maamulka Hir-Shabeelle, isaga oo helay 10 Cod.

Xilka jagada guddoomiye ku xigeenka Gudiga ayaa  waxa isku soo sharaxay Xaliimo Maxamed Cismaan, waxaana , iyada oo aysan jirin musharax kale oo kula tartamay jagaadan ay heshay 11 Cod, iyada oo noqotay Guddoomiye kuxigeenka Guddiga doorashooyinka Maamulka Hir-Shabeelle.

Doorashada Guddoonka guddiga doorashada Hir-Shabeelle  ayaa hakad ugu jiray  Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo safar ugu maqnaa dalka Turkiga & arrimo Farsamo, waxaana Guddoomiyaha Cusub ee Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle mar wareegto ka soo baxday Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare loogu Magacaabay guddoomiyaha Guddiga doorashada Maamulka Hir-Shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here