Xiisada Udhaxeysa Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka oo Sabab unoqday Sare ukaca ku Yimid Shidaalka Dunida.

0
151

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxaa soo if baxay khilaafka iyo xiisadda ka dhex taagan Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo in muddo ah xulafo ahaa, khilaafkan ayaa ka bilowday shirkii OPEC ee dhawaan uu u qabtay Ururka waddammada dhoofiya shidaalka iyo waddamada kale ee soo saara saliidda.

Waxay arrintani horseeday in uu sare u kaco qiimaha shidaalka adduunka kadib jahwareerkan saameeyay suuqyada shidaalka.

Soo saarayaasha ugu waaweyn ee saliidda adduunka, waxaa ka mid ah dalalka Sacuudiga iyo Ruushka, waxayna soo jeediyeen in la sii wado dhimista isu gudbinta saliidda illaa dhammaadka sanadka 2022-ka.

Dhanka kale, Imaaraadka ayaa sheegay in arrintaas uu ku diiday sababo ay ku sheegeen “inay iyaga ay ku noqonayso caddaalad darro”.

maaraadka Carabta wuxuu doonaya in la qabto kulamo hor leh oo ku aadan wax soo saarka shidaalka si uu u helo xoriyad ah in shidaal badan uu soo saari karo.

Si kastaba, Sucuudiga iyo Ruushka ayaa ku gacan seyray qorshahaas.

Wadahadallada ku saabsan arrimaha shidaalka ayaa waji kale yeeshay kadib markii wasiirada tamarta ee Sucuudiga iyo Imaaraadka ay banaanka keeneen khilaafka ka dhex taagan labada dal.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here