Madaxweynaha Mareykanka oo ku Dhawaaqay in Ciidamadiisa uu kala Baxaayo Dalka Afganistaan.

0
117

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa difaacay go’aankiisa uu ciidamada milatariga ugala baxayo Afghanistan, isagoo sheegay in howlgalada Mareykanka ay dhamaan doonaan 31 Ogoosto.

Biden ayaa ayaa sidoo kale difaacay sida xowliga ah ee u socdo bixitaanka ciidamada Mareykanka, isagoo sheegay in ciidamadu badbaadiyeen nafaf badan.

Horraantii sannadkaan, ayaa Mr Biden waxaa wuxuu 11-ka September ee 2021 u qorsheeyey in ciidamada Maraykanku ay ka soo baxaan Afghanistan.

Donald Trump ayaa heshiis kula galay Taliban in ciidmada Mraykanka uu dalkaas ka saaro wixii loo gaaro May 2021 waxaan muddadaas dib u dhigay Mr Biden kadib markii uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in ka bixitaanka xoogagga Maraykanka ee Afghanistan uu yahay mid qorshaysan isla markaana hawlgalka militarigooda ay soo afjarayaan 13-ka agoosto.

Hase ahaatee wuxuu sheegay in Maraykanku aanu cidlayn doonin Afghanistan asagoo intaas ku daray in uu gacan ka gaysan doono dadaallada loogu jiro in la gaaro heshiis nabadeed.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here