Norway oo Sharci darro ku Tilmaamtay Qurxinta Sawirrada loo Adeegsado Baraha Bulshada.  

0
140

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – In caloolaha la dhuubo, bishimo waa wayn la sameysto ama jir macaan la soo bandhigo ayaa ka mid ah qaabka lagu qurxiyo sawirrada.

Markii aad sii tixraacdid sawirrada la soo dhigo baraha bulshada ay ku wada xiriiraan, ayaa waxaa kugu adkaanaysa inaad sheegtid sawirrada halka laga qurxiyay.

Hasayeeshee farriin suuragal ma tahay in farriin caddaynaysa in sawirka wax laga badalay ay kalsoonigaliso qofka?

Sharci cusub ayaa waxa uu ka hirgalayaa waddanka Norway, kaas oo dadka saamaynta ku leh baraha bulshada aanay soo dhigi karin sawirro wax laga badalay oo la qurxiyay, iyagoo aanan sheegin waxa ay sawirka ku sameeyeen.

Shuruucda ayaa waxa ay saamaynaysaa farriimaha lacagaha lagu bixiyo ee la soo dhigo baraha ay bulshada ku wada xiriiraan, arrintaas oo qeyb ka ah dedaal lagu doonayo in “lagu dhimo cadaadiska jirka” ay da’yartu saarayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here