Halka Shardi Ee Ay Arsenal Ugu Helayso Saxiixa Houssem Aouar oo la Shaaciyey.

0
173

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ku qasban tahay inay iska dirto ugu yaraan hal Xiddig oo khadka dhexe ah si ay ula soo saxiixato Xiddiga kooxda Lyon ee Houssem Aouar inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Gunners ayaa la rumaysanyahay in ay dib u soo cuboonaysiisay xiisihii ay u qabtay xiddiga reer France kaas oo dhaliyay 8 gool xilli ciyaareedkii hore 4 kalena caawiye ka noqday.

Sida laga soo xigtay ESPN, kooxda Mikel Arteta ayaa doonaysa in ay u dhaqaaqdo xiddiga 23 jirka ah laakiin marka hore waa in ay iska iibiyaan xiddig khadka dhexe ah ka hor inta ayna dhamaystirin saxiixa xiddiga.

Wararka ayaa sheegaya in ay Lyon diyaar u tahay in ay aqbasho lacag dhan 25 milyan oo euro si ay u iibiso xiddiga khadka dhexe kaas oo dhankiisa u furan in uu ku biiro horyaalka premier League.

Arsenal ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddigaha Granit Xhaka, Lucas Torreira, Ainsley Maitland-Niles iyo Joe Willlock ka hor inta ayna u dhaqaaqin Saxiixa Aouar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here