Arsenal oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Xiddiga Mikel Arteta.

0
139

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab cusub ka gudbisay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lyon ee Houssem Aouar sida ay sheegayaan wararku.

Khadka dhexe ee ee reer France  ayaa bartilmaameed u ahaa Mikel Arteta xagaagii la soo dhaafay iyadoo Gunners laga diiday laba dalab oo ay ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Laakiin kooxda Arsenal ayaa u muuqata kuwo dib u soo cusboonaysiiyay xiisaha ay u  qabtay saxiixa xiddiga khadka dhexe iyada oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan khadka dhexe.

Wargayska Le10 Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Arsenal dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Aouar iyada oo ay wadahadalada labada dhinac u dhexeeya horumar laga sameeyay.

Arinan ayaa imanaysa kadib markii uu xiddigu beeniyay in uu diiday in uu soo xaadiro tababarka isku diyaarinta kooxda Lyon si uu ugu qasbo kooxda in la iibiyo suuqa xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here